Weerar Duqayn Diyaaradeed oo xalay lagu dilay Hor-joogayaal Al-Shabaab ah Gobolka Hiiraan.

Wararka laga helaayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Duqayn Xalay fiidki ka dhacday degaanka Ceel-Dheer oo qiyaastii 60 KM dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Baladweyne lagu dilay Malleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay baahisay Warbinta Dowladda ee Radio Muqdisho.

Duqayntaasi oo sababtay khasaare lixaad leh ayay Malleeshiyaadka Al-Shabaab Shacabka u diideen inay halkaasi ka baxaan ama ay soo galaan si ay u qariyaan khasaaraha soo gaaray Al-Shabaab.

Wararku waxay sheegayaan in degaanka Ceel-dheer Maalmahan kulamo ku lahaayeen qaar ka mid ah horjoogayaasha Al-Shabaab, iyadoo shirarkoodana ay ka war heleen Dowladaha Saaxiibbada la ah Soomaaliya, kuwaasoo Ciidanka Xoogga Dalka ka caawiya la dagaallanka Al-Shabaab.

Dhanka kale Degaankaan Ceel-Dheer ayaa ah halka ay Al-Shabaab gaystaan Xoolaha ay ka qaadaan dadka Shacabka ah ee ku nool Gobalka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.