Shir looga hadlayo arrimaha AMISOM oo ka furmay Nairobi

Shirkani oo looga arrinsanayo qorshaha kala guurka ee Ciidamada AMISOM ammaanka dalka ugu wareejiyaan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya madax ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya , xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo sidoo kale xubno ka socda dowladda federaalka oo uu ka mid yahay lataliyaha dhanka amniga ee Madaxweynaha Cabdi Saciid Muuse Cali.

Ku xigeenka howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Ambasador Simon Malongo ayaa sheegay in shirkani diirada lagu saari doono, sida ay iskula qaadi laahaayeen qorshaha kala guurka ee Ciidanka AMIOSM ammaanka dalka ugu wareejinayaan kuwa Soomaaliya sanadka 2021-ka iyo doorashada qof iyo codka ee isla sanadkaasi la filayo in ay dhacdo gudaha Soomaaliya.

Robert Kibochi taliye ku xigeenka Ciidanka Militariga dalka Kenya oo daah-furay shirkani ayaa uga digay bah wadaagta daneysa arrimaha Soomaaliya in lagu degdego ka bixitanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya, taas uu sheegay in ay ka dhalan karto qatar dhanka amniga ah.

QM oo ah maalgaliyaha ugu weyn ee AMISOM ayaa qorshayneysa in Ciidamada AMISOM laga saaro Soomaalya ugu dambeyn sanadka 2021-ka, xilligaas oo ammaanka dalka ay la waregayaan Ciidamada Xoogga dalka.