Kulan soo dhaweyn iyo Caleemasaar ah oo ku qabsoomay Magaalada Göteborg ee Dalka Sweden

Kulanka si weyn loo soo agaasimay ayaa ku qabsoomay Magaalada Göteborg ee Dalka Sweden, maalintii Sabtida ee 27ka Bisha Oktober 2018ka.

Ujeeddada kulanka oo aheyd Caleema saarka Guddoomiyaha Dalladda Warmocad ee caalamka Dr.Maxamed Cabdi Alifleey, kaas oo dhawaan loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Ururkaas.

Xafladda Caleema saarka, waxaa si qurxoon oo habsami leh u soo abaabulay Ururka Warmocad ee Sweden, kaas oo ah Urur Samafal ah oo wax badan ka qabtay arrimaha samafalka.

Xafladda Caleemasaarka Guddoomiyaha Ururka Dalladda Warmocad ee Caalamka Dr.Alifleey, waxaa kaloo ka soo qayb galay Xildhibaanad Drs.Mina Xasan Shibis oo ka mida Golaha Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya iyo Mudane Ismaaciil M.Muxuddiin oo ka mida Golayaasha Xildhibaanada dalka Norway.

Kulanka caleema saarka iyo soo dhaweynta Xildhibaanadda, waxaa ka soo qayb galay wafuud kala duwan oo ka kala yimid waddamada kala ah: Norway, Denmark, Uk, Finlad, Germanay iyo Ergada Koofur Afrika oo khadka teleefanka uga soo qayb gashay.

Kulanka waxaa si qurxoon u daadihinayay Aqoonyahan/Qoraa Xuseen M.Cabdulle ”Wadaad”

Waxaa goobta ka hadlay Nabadoono kala duwan oo dhammaantood soo jeediyay Taageero iyo soo dhaweyn ku saabsan Guddoomiyahay Dalladda iyo Dr.Mina, kuwaas oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay ka soo qayb galaan soo dhaweynta iyo caleema saarka, waxeyna sheegeen in ay Ururka la shaqeyn doonaan maadaama uu yahay Urur samafal ah.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay Xildhibaan ka tirsan Golaha Maamulka gobolka Vastra Göätland ee dalka Sweden Mudane Yuusuf Tooxoow iyo Mudane Cabdullaahi Shadoor oo ka tirsan Golaha maamullka Magaalada Göteborg ee Dalka Sweden

Waxaa kaloo goobta joogay oo kaalintooda ka qaatay Culumada magaalada Sh.Cabdiraxmaan Sh.Muxyadiin iyo Sh.Maxamuud Macallin.

Intaa kadib, waxaa microfoonka lagu soo dhaweeyay Dr. Mina Xasan Shibis oo ah Xildhibaanad ka tirsad BFS, iyadoo si aad ah uga hadashay xaaladda guud ee dalka iyo kaalinta looga baahan yahay qurba joogta, Waxeeyna ballan qaaday ineey soo dhaweyneyso dedaalada ay wadaan qurbajoogto, taas oo mid loogu gargaarayo Muwaadidiinka u baahan kaalmooyinka ay ka midka yihiin Waxbarashada,Caafimaadka. Waxaa kale ay sheegtay in qurba joogta looga baahan yahay in ka qayb qaataan dib u dhiska dalka.

Intaa kadib, waxaa la duubay oo la caleema saaray Guddoomiye Dr.Maxamed Cabdi Alifleey, oo la saaray Koofi iyo Cimaamad, Qoortana loo suray Ubax.

Intaa kadib, waxaa hadalkii la siiyay Guddoomiyaha la duubay Mudane Dr.Alifleey, isagoo sheegay in la qiyaasi karin dareenkiisa ku aaddan taageerada iyo soo dhaweynta uu kala kulmay Dhammaan intii ka hadashay meeshi ay u muujiyeen, waxuuna sheegay in ay taasi ku khasbeyso in uu dedaalkiisa laba laabo.

Guddoomiye Alifleey, Waxuu mahadnaq ballaaran u soo jeediyay intii gogosha soo abaabushay iyo intii ka hadashay iyo dhammaan ka soo qayb galayaasha.

Xafladda Waxaa soo gunaanaday Guddoomiyaha Ururka Warmocad Sweden Sayid Cali Macallin Seerjito, isagoo u mahadceliyay dhammaan ka soo qayb galayaasha.

Xafladdii Caleemasaarka iyo Soo dhaweyntuba waxeey ku dhammaadeen si aad u qurxoon.