Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ka sameystay Guriceel

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Ethiopia ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay gaareen degmada Guriceel ee G/ Galgaduud.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ee gaashaaman ayaa gudaha u galay degmadaasi, kana sameystay fariisimo cusub.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidamadaasi ay ka ambabaxeen gudaha magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Illaa iyo hadda lama oga sababaha rasmiga ah ee ay Ciidamadaasi u tageen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Horay waxaa Guriceel ugu sugnaa Ciidamada Galmudug oo howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday agagaarka degmadaasi.