AMISOM oo beenisay in 30 askari ay uga dhinteen qarax miino ah oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Ciidamada AMISOM ayaa beeniyay in ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan miino la qaraxday ay ugaga dhinteen illaa soddon askari.

AMISOM ayaa sheegtay in ciidamadan oo kolonyo ayaa ay afar askari oo kaliya ay dhaawac fudud ka soo gaareen kuwaasoo la daweeyay.

Warkan ka soo yeeray ciidamada AMISOM ayaa intaa ku daraya in ciidamada weerarka lagu qaaday oomarayay deegaank Ceelgaal ay ahaayeen ciidamo dib ugu laabanayay dalkooda ayna ka gudbeen xadka ay la leeyihiin dalka Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar miino ah ay ku qaadeen kolonyo ciidamo Itoobiyaan ay ku dileen illaa soddon askari halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen. Hase yeeshee ma jiro warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada labada dhinac.