Wararka ka imaanaya Xaradheere ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ay wadaan abaabul ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan Gobolka Mudug.
Maalmahaan dambe Gobolka Mudug waxaa ka jiray baaqyo iyo abaabul ku aadan sidii Kooxda Al-Shabaab looga saari lahaa degmada Xarar-dheere iyo deegaanada ku dhow, waxayna ciidamada Xoogga dalka ay doonayaan inay Bulshada ka dulqaadaan dhibaatada ay ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.
Warbaahinta Qaranka ayaa faafisay in Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka shalay gaareen deegaano hoostaga degmada Xarar-dheere halkaasi oo ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaq iyo abaabul dagaal oo Al-Shabaab looga saarayo degmadaasi iyo deegaanada Ku dhow.
Dhanka kale degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug ayaa ah meesha keliya ee maleeshiyada Al-Shabaab hadda kaga sugan yihiin Gobolka Mudug,waxaana shacabka ku nool ay dhibaato xooggan ku qabaan Maamulka Kooxda Shabaab oo dul dhigay amaro culus.