Qalalaasaha Siyaasadeed Ee Uu Abuuray Maamuulka Madaxweyne Farmaajo!!

Waxaa Markasta isku dayaa inaa Qoraal ku muujiyo Dhibaatooyinka hor-taagan in dadka soomaalidu helaan Hoggaan Daacadka ah in dalka iyo dadka Soomaaliyeed helaan Xasilin Siyaasadeed oo wado wanaagsan loo maro.

Waxaa Falanqeyntan ku soo koobayaa khilaafka siyaasadeed ee waqtigan ka jira dalka Soomaaliya markaa waa in wax la iska waydiiyaa maxaa keenay in Madaxweyne Farmaajo Khilaafkii hore u jiray khilaaf ku sii daro.

Maamulka Villa Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare khayre iyo
Maal-galiyaha siyaasada Fahad Yaasiin iyo Dowladda Qatar, waxay la yimaadeen Qorshe siyaasadeed oo lagu fashilinayo habka dib u heshiisiinta ku dhisan 4.5 ama Faderaalka Degaan Qabiilka ku dhisan.

labadan hab ee siyaasadeed waxaa loo arkay mid looga bad baadi karo dagaal qabiileedka waqtiga dheer socday ama dagaal diimeedka waqtiga dheer socday.

Madaxweyne Farmaajo oo Hoggaanka Qabsaday 08/02/2017-kii, Waxaa uu Bilaabay Bur-burinta nidaamyadii Soomaalidu qaadatay ee hada jira, Isagoona ugu horey keensaday Ra’iisulwasaare Kheyre oo ah nin Siyaasadda Soomaalida uu ku Cusub yahay Hab-dhaqankiisu ay Hareeyeen “Aragti Dhowida iyo Aqoon-yaridu”, waxaa ay ku Mashquulsan yihiin Dadaalna ugu jiraan Bur-burinta

Hoggaamiyaasha Villa Soomaaliya ayaa Bilaabay Bur-burinta Golayaasha sharci dajinta iyo Dowlad Gobaleedyadii loo soo maray Dhismahooda Dhibaatada badan, Iyagoo ka Faa’ideysanaya u Hoggaansanaanta Shacabka Soomaaliyeed ee ay heystaan Duruufaha Adag ee 30 jirka ku dhow iyo Hantida Qaranka.

Waxay marka ugu horeeye Qalasaase siyaasadeed ka dhex abuureen awood qaybsiga Madaxtooyada, Xukumada, Golayaasha sharcidajinta iyo wada shaqaynta Dawlada federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada gobaleedyada.
Maxay tahay bur burinta awooda Golaha sharci dajinta.

Hoggaamiyasha Villa Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay kala ridaan Wada-shaqeyntii Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya “Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose” kaddib markii ay Kursiga Afhayeenka Baarlamaanka ka Tuureen Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ahaa Aqoonyahan, Waayo badana u soo Joogay Siyaasadda Soomaaliya.

Villa Soomaaliya ayaa keensatay Afhayeen Golaha Shacabka Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C.rixmaan oo ahaa Wasiirkoodii Gaashaandhigga, kaas oo Fashiliyay Howlihii Golaha, Jahwareerna ku riday Shaqadii Baarlamaanka, Waxaana Mr. Mursal uu Fariisayay Wada-shaqeyntii Golaha Shacabku la lahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Maxay tahay bur burinta Dowlad Gobaleedyadu?

Khilaafka Hirshabelle: Jowhar Iyo Beledweyne.
Madaxda Villa Soomaaliya ayaa Qorshahooda 1-aad ee sida wacan ay ula dhaceen, dhiira-gelintana ay ka heleen ka Fuliyay Maamulka Hirshabelle, Iyagoona u kala jabiyay Labo Garab oo qaab beeleed ah, kala degayna Jowhar iyo Beledweyne, Waxaana taas ay u suura-gelisay inay Meesha ka saaraan Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, kaddib Marun Muddo Jiitamayay.

Madaxda Villa Soomaaliya ayaa illaa hada Bur-burin ku Wadda Dowlad Gobaleedka Hirshabelle, waxaana Fadhiisan la Nidaamkii Dowladeed ee Maamulkaas, Iyadoona ay jiraan Mooshino Saddex Biloodle ah oo laga keeno Madaxweyne Waare iyo Xukuumadiisa, si aysan Hormar iyo Hanaan Dowladeed u Sameyn.

Khilaafka Galmudug: Cadaado iyo Dhuusa-mareeb.

Hoggaamiyasha Dowladda Federaalka ayaa Dadaal dheer ku bixiyay Fashilinta Maamulka Galmudug, Iyaga oo ka Faa’ideysanaya Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas oo la beel ah Farmaajo iyo Kheyre, kuwaas Lacag Gunno ah la siiyo Bil Walba si ay u Hor Istaagaan Dhismaha Dowlad Sal adag oo Mideysn, taas oo ay yeelato Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, oo ah Waayeel Waayo badan soo jiray, ayaa markii uu ku guuleystay Kursiga Galmudug, uuna Arkay Hab-dhaqan Madaxda Villa Soomaaliya, waxaa uu Dadaal ku bixiyay mideynta Galmudug iyo Ahlu-sunna oo Xasan Sheekh uu Fogeeyay, Isagoona u arkayay Midnimada labada dhinac inay tahay Bad-baadada Galmudug, sida hada Muuqata, taas oo uu ku Guuleystay.

Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisulwasaare oo horey ay uga hoos baxday inay Hor istaagaan labada dhinac, ayaa isku dayay inay Fur-furaan, waxaana ay jabiyeen Garab ay Gunada Siiyaan oo ay Geeyeen Cadaado, waxaana haatan ay Magacaabeen Madaxweyne Cusub oo Labaad kaas oo Galmudug ay lee dahay, si uu ugu wheelyeelo Carabey iyo Gacal.

Khilaafka Koonfur Galbeed: Baydhabo Iyo Marka.

Dowlad Gobaleedka Koonfur galbeed oo uu kusoo Food lee yahay Bisha soo socota Doorashada Madaxweynaha ayaa Villa Soomaaliya waxaa ay geysatay Musharixiin wata Hanti Fara badan oo uu lee yahay Qaranka, Gaadiid Dagaal iyo Ciidamo si ay uga qeyb-galaan

Doorashada, kuwaas oo kala ah Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Taliyihii Dhowaan is casilay ee NISA Xuseen.

Villa Soomaaliya ayaa Qorsheysay in hadii Musharixiinteeda looga adkaado Doorashada K/galbeed ee 17-Nevember oo uu guuleysto Madaxweynaha hada talada haya Shariif Xasan, koonfur galbeed loo kala jabiyo labo Iyagoo kala Degaya Baydhabo iyo Marka oo Ciidamo ay dhowaan geysatay la yiraahdo 14 October ahna Dhalinyaro aan laheyn Waayo Aragnimo.

Khilaafka Jubbaland: Kismaayo Iyo Garbahaarey.

Madaxda Hoggaamisay DF Soomaaliya ayaa Sameeyay Qabyaaladii ugu xumeyd ee soo Martay Soomaali Sanadihii ugu dambeeyay taas oo si waadax ah loo adeegsanayo, waxaana ay abuureen Kacdoon ka dhan ah Dowlad gobaleedka Jubbaland ee uu Hoggaamiyo Axmed Madoobe, Iyagoo gashanaya Shaatiga Beesha Mareexaan ee Degta Gobalka Gedo, kana Hor-keenay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Hub siiyay Beeshiisa si ay uga Hor-yimaadaan Maamulka Madaxweyne Madoobe, Iyagoona dadka Deegaanadaas ay Muujiyeen sida ay uga soo Hor-jeedaan Jiritaanka Jubbaland.

waxaana taas ay Ceeb ku noqotay Farmaajo oo Horey loogu Xamanayay inuu yahay nin ay Fikradihiisa ay Hareeyeen Naceyb Qabiil.

Puntland: Garoowe Iyo Boosaaso.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dadaal dheer ugu jira Bur-burinta Dowladnimada Gaamurtay ee Saldhiga u ah Federaalka Soomaaliya ee Puntland,

Iyagoo ka Faa’ideysanayay dagaalada ay wadaan kooxa al shabaab iyo Daacish
deeganka Gobalka Bari, magaalada boosaaso waa . Meel u muhiima maamulka Puntland

Waxaa maamulka Farmaajo ka abaabulay odayaa can baareeya markasta dawlada puntland Maamulka Madaxweyne Farmaajo Iyo Kheyre ayaa Lacagtii ugu badneyd ku bixinaya sidii Puntland looga Abuuri lahaa Qalalaase Siyaasadeed iyo mid amni, kaas oo ay Sawiranayaan inuu Horseedi doono in Puntland ay ukala jabto Boosaaso iyo Garoowe, taas oo ah Riyo lagu daalay inay Rumowdo.

Gaba-gabo.

Soomaalidu waxay ku Maah-maahdaan “Waari Meysidee War hakaa Haro” Madaxda Joogta Villa Soomaaliya “Farmaajo iyo Kheyre”, Inta ay Dadaalka ku Bixinayaan Bur-burinta Dowlad gobaleedyada, Abuuranayaana Koox Wasiiro ah ‘4 Wasiir’ oo ka amaanta Fagaraayaasha iyo Warbaahinta.

waxaa uga Qurux badan inay Ilaashaan Hanaanka Dowliga ah ee Soomaaliya.
Sidoo kalena ay Waqtiga u haray ku Bixiyaan Dhameys-tirka Howlaha Laga sugayo ee ay ugu waa weyn yihiin Qabyo tirka Dastuurka iyo Dhameystirka Wada-hadalka Somaliland, si Soomaaliya loo gaarsiiyo Doorasho Qof iyo Cod ah, taas oo ammaan u noqoneysa, laguna Xushmeyn doono kolay soo Noqon maayaanee.

Waxaa Qoray Aqoonyahan Soomaaliyeed kana faallooda siyaasadda geeska Afrika, tan Soomaaliya iyo Geeska afrika mudda 30 sano ahna ku soo dhex jiray siyaasadda Soomaaliya,
Danjire Maxamed Caalim.

Email: Caalim68@hotmail.com

Telfoon: +358458712195

Helisink, Finland.

Posted by Danjire Mahamed Caalim on Sunday, October 28, 2018