Musharixiin iyo xidhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo kulan gaar ah ku yeeshay Baydhaba (Maxay ka hadleen?)

Waxaa cirka isku shareeraya dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo maalmahaan ka jiray magaalada Baydhaba, halkaasi oo ay ku sii qulqulayaan musharaxiin u tartameysa xilka madaxweynaha K/Galbeed, siyiin ka soo jeeda goboladaasi, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed oo ay wadaan musharaxiinta, kuwaasi oo mid kasta u ololeynayo sidii uu ugu guuleysan lahaa ololihiisa, ayaa waxaa soo baxay eedeymo loo jeedinayo Dowladda federaalka oo ku saabsan faragelin ay ku heyso hannaanka doorashooyinka madaxweynaha cusub ee mamulka K/Galbeed.

Magaalada Baydhaba waxaa maanta ka dhacay kulan dulucdiisu tahay sidii loo abuuri lahaa jawi siyaasadeed oo degan, kaasi oo dhex maray musharax Xuseen Cusmaan Xuseen, musharax C/Casiis Laftagareen iyo Xildhibaano degaanadaasi ka soo jeeda kana tirsan Baarlamaanka federaalka.

Xubnaha kulanka yeeshay ayaa isku afgartay qodobo dhowr ah oo ku saabsan doorashooyinka ka dhacaya magaalada Baydhaba 17-ka bisha November, sidii degaanada K/Galbeed looga abuuri lahaa xasilooni siyaasadeed.

Dhinaca kale musharax Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa sheegay inuu dadaal dheer u galayo sidii ay magaalada Baydhaba uga dhici lahayd doorasho aan muran ku jirin, isagoona tilmaamay inuu door lixaad leh ka qaadanayo dejinta xiisadaha siyaasadeed iyo khilaafyada hareeyay ee ka dhashay ololaha doorashooyinka.