Dowladda Qadar iyo Ururka OIC oo xaqiijiyay iney ka go’an tahay taageerida Soomaaliya.

“Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa balan qaaday inuu sii wadi doono taageerada Shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku doonayaan iney ku dhistaan mustaqbal adag oo dalkooda ah”, ayuu yiri Hesham Youssef, kaaliyaha xoghayaha guud ee arrimaha gargaarka ee OIC.

Kaaliyaha xoghayaha guud ee arrimaha gargaarka Ururka OIC ayaa hadalkaan ka jeediyay shirkii Kooxda Xiriirka Soomaaliya ay 27-ka October 2018 ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Dowladda Qatar ayaa shaacisay inay sii wadi doonto taageerada muhiimka ah ee ay siiso Soomaaliya, ayna ku dadaali doonto sidii loo siin lahaa kaalmada lagama maarmaanka u ah waddanka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Qadar Sultan bin Saad al-Muraikhi oo Muqdisho kaga qeyb galay shirkii Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ayaa sheegay in Dowladiisa ay Soomaaliya ka taageertay horumarinta dhinacyada amniga,awood-siinta dhaqaalaha,barnaamijka shaqo abuurka ee dhalinyarada,nabada iyo dib- u-heshiisiinta.

Dowladda Qadar ay hirgelisay mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin dugsiyada, isbitaallada, xarumaha caafimaadka, guryaha loogu talagalay dadka saboolka ah iyo mashaariic lagu taageerayo dadka danta yar.

“Waxay Qatar Red Crescent Society iyo Qatar Charity ay bixiyeen gargaar bani’aadamnimo ah ayna fuliyeen mashaariic horumarineed oo qiimahoodu yahay $ 200mn, oo ay ku jiraan dhismaha iyo dayactirka xarumaha dawladda iyo waddooyinka isku xira caasimadda Muqdisho ee magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye” ayuu yiri Al-Muraikhi.

Dhanka kale Wasiirka arrimaha dibada Qadar Mr. Al-Muraikhi ayaa sheegay in taageerada joogtada ah ee Qatar ay u fidiso dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed si ay u xaqiijiyaan rajadooda iyo rabitaankooda ku aaddan in ay dhistaan Qarankooda, si ay u xaqiijiyaan mustaqbal barwaaqo ah oo jiilalka soo socda, ayna ilaaliyaan midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.