Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Dowlad deegaanka Somalida oo xabsiga la dhigay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu xeray xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamulkaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in xildhibaanad Nasra Xasan ay ka kaxeysteen hooygeeda magaalada Jig Jiga.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga xariga Xildhibaanadaasi ka tirsan maamulka dowlad deegaanka Soomaalida.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi ayaa ugu baaqay madaxweyne Mustafa Cagjar in uu dhowro xasaanada xildhibaanada xildhibaanadaasina uu xabsiga ka sii daayo.

Waxaa ay Xildhibaannaddan ka soo jeeddaa Magaalada Shillaabo, waxaana socda doodo la xiriira sidii lagu siideyn lahaa Xildhibaannada xiran oo aan la sheegin sidoo kale dambiga ay gashay.