Weerar Duqeyn khasaare loogu geystay Al-Shabaab oo xalay ka dhacday Deegaanka Kamsuuma ee Gobolka J/Hoose.

Waxaa xalay lagu dilay duqayn diyaaradeed oo ka dhacday deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubada Hoose 11 ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo uu ku jiro horjooge sare.

Duqeynta dadka lagu dilay ayaa waxaa ka mid ah horjooge dhowaan Maleeshiyadaan sheegtay inay u soo magacaabeen gobalka Banaadir kaas oo lagu magacaabi jirey Subeyb.

Sidoo kale Duqaynta ayaa la sheegay in tiro kale oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu dhaawacay,iyadoo lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen Al_Shabaab.

Weerarka oo dhacay abaare saqdii dhexe ee xalay ayaa lagu burburiyay Gawaari ay wateen Al-Shabab iyo agab kale oo ay lahaayeen, iyadoo labo bil gudaheed la dilay horjoogihii sedaxaad ee Al-Shabaab ugu magacownaa gobolka Banaadir,waxaana horey loo dilay C/naasir iyo C/weli oo ahaa horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Dhanka kale waxaa jira duqeymo isdaba joog ah oo ay fulinayaan ciidanka Mareykanka oo garabsanaya ciidanka kumandooska Soomaaliya ayaa lagu ugaarsanayo goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.