Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Masuuliyiinta Xarunta Talo soo Jeedinta

Masuuliyiinta Xarunta Talo soo Jeedinta ayaa galabta la kulmay Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmajo.

Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Xarunta Talo soo Jeedinta waxay ka wadahadleen xaalada Dalku uu maraayo xaga Amniga, Siyaasadda waxay si gaar ah isla soo qaadeen khilaafka Dowladda Dhexe iyo maamul-gobaleedyada.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu warbixin tifaf tiran ka siiyo waxa salka u ah khilaafka iyo sida loo xalin karo.
Gudoomiyaha Xarunta Gurey Xaaji,Gudoomiye ku xigeenada Saciid saciid Khoorsheel, Maxamed Maxamud Gacmadheere iyo madaxa Maamulka Amb Diinaari waxay u sheegeen in Xarunta ay tahay mid ka shaqeynaysa Danta iyo maslaxada Dalka iyagoo talooyin ka siiyay sida ugu haboon ee loo xalin karo khilaafka Dowladda iyo Maamul Goboleedyada.

Waxayna u caddeeyeen iney diyaar u yihiin iney arrintaasi kaalinta kaga Aadan ka qaataan . Kulankaasi oo kusoo dhamaaday jawiga aad u sareeyo.