Gudoomiye Cabdi Xaashi “Madaxda Dowladda dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada Raali kama ahan in la dhex dhex-dhexaadiyo..”

Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa mar uu maanta ka hadlay kulanka Golaha aqalka sare wuxuu si aad ah uga hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul Goboleedyada ee ka jira dalka.

Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay warqad ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu sheegay in warqadaasi uusan qorin madaxweynaha, islamarkaana ay qortay gacan sedexaad sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Madaxda Dowlada dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada aysan raali ka aheyn in la dhex dhex-dhexaadiyo Muranka ka dhex taagan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa eedeyn u jeediyay madaxweynaha Maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe, isagoo sheegay in Axmed Madoobe dhankiisa ay wax ka socon la’yihiin.

Cabdi Cabdi Xaashi ayaa waxaa uu madaxda Dowlada Dhexe iyo Kuwa Dowlad Gobaleedyada ka dalbaday in ay u tanaasulaan Shacabka Soomaaliyeed.