Ethiopia oo shaacisay inay dadka Afrikaanka ay Fiiso La’aan ku soo geli doonaan dalkooda.

Socotada Afrikaanka waxaa Dal-ku-galka lagu siin doonaan marka ay ka soo degaan Garoonka Diyaaradaha Bole ee Addis Ababa.

Qorshahaas waxa uu dhaqan geli doonaa bisha soo socota ee November 9-keeda, sida lagu sheegay Qoraal shalay ka soo baxay Xafiiska Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed Ali.

RW Abiy Ahmed wuxuu horey u ballan qaaday inay dadka Afrikaanka Fiiso La’aan soo geli karaan dalkiisa si loo dhiiri-geliyo Isdhexgalka Dadyowga Afrikaanka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kigambe ayaa ah Hoggaamiyihii ugu horeeyey ee dadka Afrikaanka u oggolaaday inay Fiiso La’aan ku soo geli karaan dalkiisa.