Booliiska Kenya oo Sheegay inay ka hortagayaan Qorshe Al-Shabaab ku doonayso inay Weeraro ka gaystaan Magaalada Nairobi.

Muqdisho:- War ka soo baxay Booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in Dadaal ugu jiraan inay ka hortagaan Qorshe ay Al-Shabaab ku doonayaan inay ku weeraraan Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya, iyadoo Ciidamadana la geliyay feejignaan dheeri ah.

“Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo uu hogaaminayo Axmed Xaarith Maxamuud ayaa waxay qorsheeynayaan inay Weeraraan Dhismaha Times Tawer iyo dhismaha maaliyadda inta u dheexeysa 28-ka October iyo Axadda soo socota 4 November ee Sanadkan” ayaa laga aqriyay Warqad ay Ciidanku qarsoodi ku heleen.

Qoraalkaasi ayaa lagu cadeeyay in ninka Maxamed Xaarith lagu magacaabo uu kaaliye u yahay Axmed Imaan Cali oo ah Injineer Kenyan ah oo ku dhashay Magaaladda Nairobi, balse ay booliisku shegeen inuu hadda Soomaaliya ku sugan yahay.

Al-shabaab ayaa weerarkaan abaabulayay, waxayna Booliiska Kenya sheegay inay ka mid tahay haweeney,waxayna muddo bil ah indho indheyn ku hayeen dhismooyinka weerarka ay la damacsan yihiin, iyadoo goobahaasi la geeyay Ciidamo fara badan oo Booliis ah.