Shirka ururka Islaashiga Islaamka ee OIC oo la filayo inuu goordhow ka furmo Magaaalada Muqdisho.

Maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa si rasmi ah uga furmaya Shir heer wasiir ah ee kooxda xiriirka Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamka.

Wafuud ka socota Dalal badan oo xubno ah ururka Islaashiga Islaamka ee OIC ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka qayb galaya shirkaan.

Shirkan ayaa diirradda lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa xasilloonida ka jirta Soomaaliya oo ka soo kabanaysa Sanado badan oo ay xaalado amni xumo ka jireen iyo taageerada Soomaaliya.

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban Dalalka kala ah;

Azerbaijan.
Brunei.
Djibouti.
Egypt.
Gabon.
Iran.
Kuwait.
Malaysia.
Pakistan.
Qatar.
Saudi Arabia.
Sudan.
Turkey.
UAE.
Yemen.

Dhinaca kale waa markii ugu horreysay ee ay Soomaaliya marti geliso Shirka ururka Islaashiga Islaamka ee OIC tan iyo xilligii la asaasay Ururkan 1972-kii.