Magacyada Saraakiil uu ruqseeyay Madaxweyne Gaas (Akhriso)

Saraakiil ka tirsanaa ciidamada Maamulka Puntland ayaa la sheegayaa in Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdiweli Cali Gaas uu shaqadii ka ruqseeyey waxaana tiro ahaan lagu sheegay in ay gaarayaan ilaa toobo sarkaal.

wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in saraakiiisha la ruqseeyey ay kasoo hor jeedeen shirka Golaha iskaashiga Maamul Gobaleedyada oo iskuuucaani lagu qabtay Magaalada Garoowe.

Magacyada saraakisha la ruqseeyay ayaa lagu sheegay in ay kala yihiin:-

1.G/Sare Jaamac Axmed Maxamer (Luujito)

2.G/Sare Maxmed Cali Qase

3.G/Sare Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax)

4.G/Sare Cabdirsaaq Aadan Cali (Dhancad)

5.G/Dhexe Cabduqaadir Jaamac Cabdi (Dhalo muro)

6.G/Le Maxamuud Cali Xirsi ( Afgaab)

Dhame Cumar Aadan Cabdi (Boolo Boolo).
Waxaa laga cabsi qabaa in saraakiisha la eryey ay kasoo hor jeestaan amarka lagu ruqseeyey maadama ay ahaayeen saraakiil sar sare oo galaangal xoogan ku dhex leh Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.