Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Safiirka Norwey u fadhiya Soomaaliya.

Muqdisho:-Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta la kulmay safiirka Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya Amb,verbjorn Hines.

Mas’uuliyiinta labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dowladood gaar ahaan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Norway.

Arrimaha ay sidoo kale ka wada hadleen sidii loo diyaarin lahaa barnaamijyo lagu hormarinayo Golaha shacabka laguna xoojinayo wada shaqeynta labada Baarlamaan.

Amb verbjorn Hines safiirka Norway u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Norway mar walba garab taagan tahay Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

“Guddoomiye waxaan kaaga mahad celinayaa sida diiran ee aad xafiiskaaga igu soo dhoweysay,Dowladda Norway iyo shacabkeeda waxay diyaar u yihiin in Soomaaliya ay garab istaagaan mar walba, waxaan kuu balan qaadayaa howlaha aan hada wadno inan sii balaarino”. ayuu yiri Amb verbjorn Hines.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa dhankiisa ayaa ka hadlay xiriirka wanaagsn ee Soomaaliya kala dhaxeeya Norway, isagoo ka codsaday inay ka taageeraan Baarlamaanka Soomaliya arrimo dhowr ah.