Fahfaahin laga helayo Wariye lagu dilay Ceelaha Biyaha

Dabley hubeysan oo la sheegay inay wateen Gaari nooca raaxadda ah ayaa Gabal-dhicii maanta Sabtida maanta ah waxay ku dishay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho wariye caan ka ahaa halkaasi.

Suxufiga oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Mire Xaashi ayaa ka tirsanaa Idaacadda Daaru Sunnah oo halkaasi ku taala, sida ay idaacadda Shabelle ay uxaqiijiyeen illo wareedyo dhanka degaanka ah.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyadda dilka wariyaha, xili dhagar-qabayaashii ka dambeeyay falka ay durbadiiba goobta ay ka baxsadeen kahor inta aysan goobta soo gaarin laamaha amniga ee Soomaaliya.

Dilkaan ayaa qayb ka ah dhibaatooyinka ay wajaheyso saxaafada madaxa banaan ee Soomaaliyeed, inkasta oo sanadihii ugu dambeeyay aanan lasoo warin fal lagu beegsaday Suxufi Soomaaliyeed oo caasimada ka dhacay.