Dowladda Kuweyt oo Beesha caalamka uga baaqday inay taageeraan Soomaaliya.

Dowladda Kuweyt ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday inay taageero siyaasadeed iyo mid maadi ah u fidiyaan Soomaaliya oo Hadda mareyso marxalad ay kaga soo kabaneyso dagaaladii sokeeye.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi una qaabilsan arrimaha ururada Dowliga ah Nasir Alheyn uu hadaal ka jeediyay Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Golaha Iskaashiga Islaamka (OIC) oo manta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kaaliyaha ayaa sheegay inuu dalkiisa kuweyt waxba kala haraynin dadaalka loogu jiro sidii loo sugi lahaa amniga Soomaaliya, isagoo la kaashanaya saaxiibadiisa, iyadoo la raacayo qaraarkii tirsigiisu ahaa 145 oo ka soo baxay kulankii 45-aad ee Golaha wasiirada ururka Iskaashiga Islaamka ee la xiriirtay xaalada Jamhuuriyada Soomaaliya iyo sidii loo taaba gelin lahaa hadafka ay hiigsaneyso ee dhanka horumaarka ah.

“Hadafkaasi dowr weyn ayaan ka qaadanayaa xaqiijinta himilada Soomaaliya iyo sidii ay ula jaanqaadi laheyd caalamka” ayuu yiri Amb verbjorn Hines oo intaa raaciyay in dalkiisa uu martigelin doono mustaqbalka dhow shirka dalalka deeq-bixiyeyaasha ee Waxbarashada Soomaaliya,taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa horumarka xasiloonida, waxbarashada, faafinta luqada carabiga iyo hirgelinta manhajyo waxbarasho ka fog afkaarta xagjirnimada ah.