Ciidamada Kenya oo sheegay inay ku dileen 24-ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, kadib dagaal ka dhacay G/J/Hoose.

Warbaahinta Kenya ayaa baahiyay in Ciidanka Kenya ay Dileen 24 ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib dagaal ka dhacay Qooqaani oo ka tirsan Jubadda hoose, ee koofurta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa wuxuu dhacay xalay saq dhexe, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku soo qaadeen saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin meel u dhow Magaalada Qooqaani.

Bilis Qooqaani waa magaalo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya, waxayma ku dhowaad 70 kiiloomitir u jirta xudduudka Kenya iyo Soomaaliya.

Ciidanka Kenya waxaa ay sheegeen in dhankooda ay ka dhaawacmeen Sedax Askari, waxayna sidoo kale gacanta ku dhigeen 25 Qoryaha AK 47 lagu magacaabo iyo rasaastoodii.

Bishii Oktoobar, Booliska Kenya ayaa soo saarey heegan argagixiso oo sheegaya in ay kor u qaadeen xoojinta dhaqdhaqaaqa xagjiriinta u socda xuduudaha Kenya iyo Soomaaliya.


“Saraakiishayadu waxay ku jiraan feejignaan aad u sareeya, kormeerkooda dhaqdhaqaaqooda si ay uga hortagaan isku day kasta oo ay sameeyaan dambiilayaashan si ay ugu gudbaan waddanka si ay u keenaan cabsi iyo quus” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.