Wafuud ka socota Dalalka ku midoobay Iskaashiga Islaamka oo soo gaaray Muqdisho+Sawiro

Muqdisho:- Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Wafdi ka socda Wadamada ku midoobay ururka Iskaashiga islaamka.

Wafuuda maanta yimid magaalada Muqdisho ayaa waxa ka mid ah kuwo ka socda dalalka Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Malaysiya.

Madaxda Magaalada Muqdisho maanta yimid waxaa ka mid ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Danjire Hishaam Yuusuf.

Dahanka kale shirka ayaa la filayaa inuu ka furmo Magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay Wasaarada Arimaha Dibada ee Soomaaliya.