Somalia oo marti gelineysa shir caalami ah oo 14 dowladood ay ka qeyb galayaan

Shir ay isugu imanayaan kooxda xiriirka Somalia ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu wadaa in beri oo Sabti ah oo ka furmo magaalada Muqdisho.

Kooxda xiriirka Somalia ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban 14 dal sida ay sheegtay Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia.

“27-ka Oktoobar, Muqdisho waxay martigelin doontaa kulan ay iskugu imaanayaan xubnaha 14-ka dal ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka. Sida lagu heshiiyay” ayaa lagu yiri qoraal wasaaradu ku faafisay baraheeda bulshada.

Laguma sheegin qoraalka waxyaabaha looga hadlayo iyo nooca ay yihiin masuuliyiinta ka qeyb galaysa balse Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ka mid ah ururada caalamiga ah ee taageera Somalia.