QM oo baaris ku bilowday hub looga Shakiyay in Soomaaliya loo waday

Kormeerayaasha Qaramada Midoobay ayaa baaraya in ka badan 2,500 qori oo  AK-47 ah iyo hub kale oo ay qabteen Ciidanka  Maraykanka ee xeebaha Soomaaliya iyo Yemen si loo ogaado in hubkaasi loo waday  Soomaaliya ama Yemen.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in ay ku casumeen UN Monitoring Group October 25 si loo go’aamiyo in hubkaasi Iran u  tahriibinaysay muwaadiniinta shiiciga ah ee Xuutiyiinta ah ee dagaalka kula jiray dawladda Yemen afar sano ee lasoo dhaafay.

Iran ayaa beenisay in hubka loo waday Kooxda Xuutiyiinta ah ee Yemen.

Maraykanka ayaa ku doodaya in Qaramada Midoobay ay si joogto ah ugu eedeeyeen Iran inay si sharci-darro ah ugu tahriibinayso Hubka  noocyadiisa kala duwan, iyagoo ku xadgudbay xeerka UN-ka ee hubka.

Admiral Scott Stearney, oo ah taliyihii ciidamada Mareykanka ee 5aad ayaa u sheegay saxafiyiinta in ay aaminsan yihiin in hubkaasi loo waday Soomaaliya,islamarkaana uu ka yimid dalka Iran.

Kooxda Qaramada Midoobey ee Baarista wadda ayaa lagu waddaa in ay shaaciyaan maalmo ka dib hubkaasi,halka loo waday in ay aheyd Soomaaliya ama Kooxda Xuutiyiinta Yemen.

Bishii  August ayaa Markabka hadda baarista lagu waddo laga qabtay meel  70 miles ka baxsan Biyaha Yemen, waxaana lagu shakiyay in loo waddo hubkaasi Shabaab Soomaaliya ka dagaallama.