Howlgal ay wada fuliyeen Ciidamada XDS iyo Maraykanka oo lagu dilay Saraakiil Al-Shabaab ah.

Muqdisho:- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Gacan ka helaya kuwa Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay horjoogeyaal oo ka tirsan Malleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgal qorsheysan ayaa ka dhacay degaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Sh/Hoose, ayaa lagu beegsaday qaar ka mid ah horjoogeyaasha Al-Shabaab oo qaabilsanaa maalgelinta Dagaalada ay kula jiraan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Saraakiisha Al-Shabaab ee la khaarijiyay ayaa qaabbilsanaa soo ururinta xoolaha ay shacabka nawaaxigaasi ku dhaqan sida qasabka ah ugu qaadaan, kuna sheegaan inay tahay Zakawaat.

Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Ciidamada AMISOM iyo Maraykanka ayaa maalmahaan dambe bilaabay weeraro iyo Duqaymo is daba joog ah oo lagu beegsanayo Fariisimada Al-Shabaab ay weli ku harsan yihiin ee Gudaha Soomaaliya.