Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo weerar ku dilay sarkaalkii Canshuuraha ee Al-Shabaab.

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in howl-gal ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ka sameeyeen deegaano ka mid ah Gobolkaasi ay ku dileen Sarkaal sare oo Ururka Al-Shabaab u qaabbilsanaa Dhanka Canshuuraha.

Sarkaalka la dilay ee ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab ayaan Magaciisa la shaacin, iyadoo lagu dilay weerar ay Ciidamadu ka fuliyeen laba maalin ka hor degaanka Bariirre, sida ay Khamiistii Shalay ahayd sheegeen Saraakiisha howl-galka AMISOM.

Dhinaca kale axaddii Todobaadkan ayay ahayd markii Ciidamada is-garabsanaya ay weerar ku qaadeen Saldhig ay AL-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo ay ku dileen Toddoba xubnood oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab.