Yaa ka danbeeya inuu xumaado xiriirka sacuudiga iyo Turkigu?

Sidaan hore u sheegay Dawladaha Turkiga iyo sacuudigu way adag inay xiriir kooda labada dawladoo caadi ahaado inta warka adag saxaafada la isku marinayo.

dilka saxufiga Jamal Khashoqji Wuxuu noqonayaa mid colaad ka dhex abuura dawladaha sacuudiga iyo Turkiga

Suxufi jamal khashoqji waa nin asal ahaan ah Turki ku dhashay sacuudiga isaga iyo awowgii reer Khashoqji waa Qoys caana oo laga yaqaan magaalada madiina. iyo dhamaan sacuudiga.

Madaxweyne Edogan ayaa si kulul u hadlay wuxuuna sheegay in dilka suxufiga jamaal
la sii diyaariyay maalmo ka hor,

Hadalka madaxweyne Erdogan maaha mid wax wsyn ka taraya dhibaatada dhacday waa mid khilaaf ku dhex abuuraysa labada dal

Waa wada og nahay dawlada sacuudigu way cadaysay in dilka suxufi jamaal yahay Khalad cad oo ay baarayaan.

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay in Turkigu ay arruuriyeen caddaymo xoog badan oo sheegaya in saxafiga Sacuudiga dhaliili jiray loo dilay qaab la sii qorsheeyay. Wuxuu dalbaday in dadka la hayo lagu maxkamadeeyo magaalada Istanbul.

Waxaa kale oo uu dalbaday in Sacuudigu uu sheego meesha uu ku dambeeyay maydkii wariye Jamal iyo cidda amartay hawlgalkaas.

Hadii uu aad u xumaado xiriirka sacuudiga iyo Turkiga waxaa imanaysa in dawlada sacuudigu
ay qaaday so taalo ay ku xakamaynayso
xujayda turkiga inay dalkeeda ka mamnuucayso diyaarada Turki aireline
Hada ka hor markii uu markuu xumaaday xiriirka Qatar iyo iran dawlada sacuudigu waxay isticmaashay in ay wax walba joojiso.

Dawlada turkigu si fiican ayey u taqaan Qof mucaarada oo la dilo maaha wax ku cusub siyaasada dawlada Turkiga Madaxweyne Erdogan si adag ayuu ula dhaqmaa mucaarad kiisa

Markaa sow ma wanaag sena in wada hadal wax kasta ku xaliyaan dawladaha sacuudiga iyo Turkigu# Si aanay dawladaha cadowga ku ah dalka Turkuga aaney arinkan uga faa’iidaysa.

Danjire Maxamed Nur Caalim

 

Posted by Danjire Mahamed Caalim on Tuesday, October 23, 2018

https://www.facebook.com/caalim68/videos/10217563776875351/