Tuulax “Waa In Bakaare Uu Ka Caaganaadaa Burcadda”

Maxamed C/laahi Tuulax  gudgoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka & siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, ayaa ka warbixiyay howlgal saaka Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Tuulax ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu soo qabtay illaa 2 nin oo Buracad ahaa, kuwaas oo dhac ka geysanayay gudaha Suuqaasi.

Waxaana uu soo dhaweeyay talllaabada ay qaadeen Ciidamada ammaanka ee lagu soo qabtay Raggaasi.

“Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay laba ka mid ah dabley dhac ka geysanaayay gudaha suuqa bakaaraha.” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda ee G/Banaadir.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ay muhiim tahay in Suuqa Bakaaraha uu ka caaganaado Burcadda, looguna Ganacsan karo, si nabad galya ah.

“Suuqa Bakaaraha waa inuu noqdaa goob ganacsi oo si nabadgalya ah shacabku ugu ganacsadaan.” Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.

Ciidamada ammaanka ee DFS ayaa muddooyinkii  ambe kordhiyay howlgallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Caasimadd ah ee Muqdisho.