Ciidamada Dowladda oo qabtay Qabiir Al-Shabaab u qaabilsanaa Falalka Qaraxyada.

Howlgal qorsheysan oo ay Ciidamada Dowladda ka fuliyeen Magaalada Muqdisho ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada, sida uu sheegay Taliska Ciidamada NISA.

War kooban oo ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay Dadaalada lagu sugayo amniga.

“Ciidanka Amniga waxay ka soo qabteen EX-Contarol Sarkaal Shabaab ah oo khabiir ku ah qaraxyada. Holwgalkan wuxuu qeyb ka yahay dadaalada lagu sugayo amniga” ayaa lagu yiri Warka NISA ay soo saartay.

Dhanka kale Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Al-Shabaab damcasanayd.