Macalimiinta Kenya oo dhigay banaan bax ay ku diidan yihiin inay ka shaqeeyaan Madheera.

500-macalimiin ayaa la soo sheegayaa inay Banaan bax ay ku diidan yihiin inay ka shaqeeyaan ismaamulka Madheera oo Macalimiin dhowr ah ay Al-Shabaab ku dilayn.

Macalimiinta ayaa sheegay inay Naftooda u baqayaan sababtoo ah Weeradda Joogtada Noqday ee Al-Shabaab ay halkaas ka geysanayaan iyo isku dhacyadda beelaha Gobalka Waqooyi Bari Kenya oo xuduud la leh Soomaaliya.

Waxaa socda Qorshe la doonayo in mucalimiin badan la isugu badalo Wadanka oo dhan, Guddiga mucalimiintuna waxay sheegeen inay macalimiintu diidan yihiin inay Mandheera ay ka shaqeeyaan.

Gobolka Waqooyi bari ayaa xaaadiisu waxay ahayd sanadihii la soo dhaafay mid cabsi ay la soo deristay, Al-Shabaab ayaana beegsaday macalimiin aan gobolka u dhalan iyo kuwo aan muslimiin ahayn oo ka shaqaynayay Deegnadda u dhow xuduudda.

Dhanka kale 10-kii Bishan ayay ahayd markii Labo macalin Al-Shabaab ku dileen Deegaan hoos taga Mandhera,3000 oo Macalin ayaa laga badalay mandhera iyo Wajeer markii ay diideen inay halkaas ka shaqeeyaan,