Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo Al-Shabaab ka qabsaday deegaano Hor leh oo ka tirsan Sh/Dhexe.

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay maanta Al-Shabaab kala wareegeen Deegaan hor leh oo ka tirsan xadka ay wadaagaan Gobalada Sh/Dhexe iyo Hiiraan.

Deegaanada ay Ciidamada la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Dhiin Garas, Fiidow, Maquudaale,Killiga Shiinaha iyo tuulooyin kale, iyadoo deegaanadaas ay Magalada Jowhar u jiraan 50-km.

Dhanka kale Saraakiisha ciidamada Xoogga ayaa sheegay inay la wareegeen deegaano ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab, iyagoona sheegay in Howlgalka ay ka qeyb qaadanayeen ciidamada Jabuuti iyo kuwa Burundi, iyadoo Gobalada Sh/Dhexe iyo Hiiraan ayaa haatan waxaa ka soconaya howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.