C/Laahi Sh. Xasan “Dowladu waxay Carqaladayn ay ka wadaa doorashada ka dhacaysa Baydhabo Bisha soo socota..”

C/laahi Sheekh Xasan Afhayeenka Golaha Iskaashiga Maamul Gobaleedyada ahna wasiirka Dastuurka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in Golaha ay ka digayaan in la farageliyio doorashada Madaxtinimada ee Maamulkaasi.

Afhayeenka Golaha Iskaashiga Maamul Gobaleedyada ayaa sheegay in Hub iyo Lacag fara badan la geeyay magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

“Dowladu waxay Carqaladayn ay ka wadaa doorashada ka dhacaysa Magaalada Baydhabo Bisha soo socota, Waxaan dowlada dhexe ka dalbanayaa in arimhaasi ay joojiso” ayuu yiri Afhayeenka Golaha Iskaashiga Maamul Gobaleedyada.

Dhanka kale ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaaadaasi ku sugan Musharixiin aad u fara badan, kuwaasi oo doonaya inay xil ka qabtaan Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.