Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo sii deysay eedeysanayaal lagu waayay wax dambi ah.

Saldhiga degmada Dharkeenley ayaa 25-ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida eedeyn ka dhan ah dable Cali Maxamuud Axmed, Cabdi xaaji Bashiir, Axmed Cabdirisaaq Axmed iyo Cabdifataax Cabdulqaadir Axmed oo ka wada tirsan Ciidamada Asluubta kuwaasi oo ay soo gudbiyeen ciidanka degaanka Garasbaaley oo sheegay inay dhac geysanayeen Afartoodaba.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isla maalintaas weydiistay garsoorayaasha in loo gudbiyo afarta eedeysane xabsiga dhexe Garsuge ahaan si ay u soo dhammeystiraan caddeymaha kiiska.

6-dii bishan ayay xafiiska Xeer Ilaalinta codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista afarta eedeysane, waxaana saddex cisha kadib Maxkamadda muddeysay kiiska, fadhiga hore ee Maxkamadda ayaa loo ballamay 11-ka bishan.
Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigi waayay wax dhaafsan eedda ay soo jeediyeen taliska Saldhiga Booliiska Dharkeenley iyo Ilaalada deganka Garasbaaley.

Garsoorayaasha ayaa dalbaday in la keeno caddeymo dheeraad ah oo markale la isusgu soo noqdo fadhiga Maxkamadda.

18-ka bishan ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxay xafiiska xeer ilaalinta la soo shir tageen kaliya in ay jirto in xilliya kala duwan dhac loo geysan jiray dadka degaanka hasa-ahaate xilliga afarta eedeysane la soo qabanayay aysan jirin wax dambi ah oo faraha ay kula jireen.

Qareenka u dooday afarta eedeysane ayaa fadhiga Maxkmadda ka sheegay in ay raggan ilaalo indha indheyn ah ay ka hayeen fadhigooda, waxa uu sidoo kale ku dooday in aysan jirin wax cadeymo ah oo lagu xukumi karo sidaas darteed uu weydiisanayo garsoorayaasha in la siiyo xurriyadooda.

Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhageysiga Maxkamadda laba jeer oo kala duwan ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in la siiyo xurriyadooda afarta eedeysane hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto sida uu u sheegay Gaashaale Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.