Maamulka K/Galbeed oo Dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay hub iyo Ciidamo geysay Magaalada Baydhabo.

Cabdullaahi Sheekh Xasan Wasiirka Dastuurka maamulka Koonfur Galbeed iyo ahna Afhayeenka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in saacaddihii la soo dhaafay Ciidan iyo hub ay geysay Magaalada Baydhabo.

Afhayeenka wuxuu sheegay in diyaarad siday Ciidan inay gaartay Magaalada Baydhabo,islamarkaana lagu doonaayo in lagu carqaladeeyo doorashadda Koonfur Galbeed ka dhici doonta Bisha soo socota.

Afhayeenka ayaa Dowladda dhexe ugu baaqay inay ka qeyb qaadato gurmadka loo sameynaayo dadkii ay waxyeelado ka soo gaartay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo Todobaadkii hore.

Waxaa uu sidoo kale sheegay inay ka soo horjeedaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda warkii shalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee loogu baaqayay in Golaha ay yimaadan gogoshii uu horay u fidiyay Madaxweyne Farmaajo.

 

Dhanka kale saacaddihii la soo dhaafay ayaa waxaa baraha bulshadda laga hadal haayay in dowladda Soomaaliya ay waddo Wasiir ka mid ah Wasiirada dowladda ee ka soo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana ay shalay Baydhabo ay geysay Ciidan iyo Gaadiidka aysan xabado karin.