Dott. Abuukar ”Roobow Abuu Mansuur Waa in lala tiigsadaa Sharciga Qaranka u degsan…”

Waxaa jira Qodobka 88aad ee Dastuurka Qaranka oo ka kooban 5 xaraf, xarafkiisa (a) iyo xarafkiisa (e). Xarafka (a) oo sidatan u qoran:
“Muwaadan kastoo Soomaali ah MWnimo ayuu isku soo sharixi karaa.”

Xarafka (e) isagana wuxuu qoraya:
“Gelin dembi culus oo ay Maxkamadii xukuntay.”

Madaama ninka shabaabka Mansuur Robow, ee rabo in uu tartan u galo musharaxnimada MW Maamul Goboleed ka KG, waxaa jira qodob Dastuuri ah 127aad oo sida tan u qoran: fiqradiisa 1aad “Mabdi’iyan waa in lays waafijiyaa Dastuurka Dowladda
Federalka Soomaaliya iyo Dastuurada Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federalka”.

Dastuurka Qaranka wuxuu kaloo qoraya qodobkiisa 3aad “Mabaadii’da aasaasiga fiqradiisa 1aad ” Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka Kariimka iyo sunnada Nabigeena (SCW).

Madaama Qur’aanku uu na faraya in qof qof kale dilo waa in asagana la dilaa hadii uusan cafis ka helin qaraabada uu qofka ka dilay.
Madaama Mansuur Roobow uu Soomaaliyoo idil kuwooda koofurta ku nool ay jirin cid uusan ka dilin 1, 2, 3 qofood waa in sida ku qoran Dastuurka, iyo sida Shareecadda na farayso lala mid dhigaa dhalinyarada maalin kasto lagu xukumo dil toogasho ka mid ahaanshada ay ka mid yihiin Shabaab.

Dastuurka qodobkiisa 21aad “Sinaanta” muxuu qorayaa:
“Muwaadaniintoo dhan………………waa u siman yihiin sharciga hortiisa”.

Marka waxaa isweydiin leh sharcigee uu Shabaab Robow uu kaga giddisan yahay Muwaadaniinta lagu tooganayo ka mid ahaanshada Shabaab.
Muwaadaniintaan ee toogashada lagu xukumo, ka dibna la tookto, waxaa amarka soo siin jiray ilaa iyo haddana soo siiya in shacabka la gumaado, saraakiilsha sare ee shabaab uu Robow Abu Mansuur ka mid yahay ama ka mid ahaa, kolaytu cid xaqiijin karto majirto.

Madaama ay jiraan Xeerar, sharciyo iyo Dastuur laysku afgartay laguna heshiiyay in Qaranka iyo Ummadda lagu dhaqo in maanta indhaha laga daboosho waa ayaan darro iyo guul darro u soo hoyatay Qaranka oo idil.
Waa qalad aan la qaadan karin diin iyo sharciba loo kala eexdo Muwaadaniinta Soomaaliyeed.

Midda kale Musharaxnimada Shabaabka Roobow waxay ceeb iyo sharaf dhac u tahay Maamulka KG hadii uu waxgarad yahay, oo ugu horeen laga sugi laahaa in uu si qayaxan ugu horyimaado.
Ceeb ma dhamaatee, waxaa ka sii daran, Nin soo noqdaday Mas’uulkii ugu sareeyay Qaranka Soomaaliyeed oo leh Mansuur Robow wax ka reebayo malaha in uu u tartamo jagada MW ee MKG waa hadal aan la qaadan karin, niyad jab iyo moral dilaac baahsan inagu dhaliyay.

Waa hadal aan marna la ogolaan karin oo xad gudub ku ah dhamaan eheladii, Qaraabadii iyo sokeeyayaashii iyo intii uu Robow laayay iyo intii uu naafeeyay.

Waa hadal xad gudub ku ah dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.
Hadii ay ku filantahay keliya Shabaabka in uu cadeeyo mawqifkiisa ku aadan ka bixidda Ururka Al Shabaab, marka waxaan leenahay hala siiyo dhalinyaradaan la qalday oo toogashada lagu xukumay fursadda ay mooqifkooda ku cadeeyaan.

Waxaa xigi doono in Cali Dheere, Shoongole, kaba ku tukade, iyo kuwa kale iyagana waddadaan soo mari doonaan.

Waxaan u aragnaa in dhaqankaan sharci darrada ah uu yahay mid u horseedayo in Wadanka uu fowdo kan kasii weyn madaxa la galo, in uusan waligiis hagaagin, colaadda sii fogaato, cadaaladdii dhinac layska dhigo.
Waa in dib loo noqdaa oo lagu dhaqmaa sharciga iyo sharuudaha Waddanka uu leeyahay.

Dott.Abuukar Nuur Xuseyn
Gudoomiyaha
Xisbiga Dimoqraadiga BDem.