Daawo: Madaxda maamul goboleedyada oo weerar afka ah Ku qaaday madaxda Villa Soomaaliya

Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya ayaa maanta kulan uga furmay magaalada Garowe ee Puntland, kulankaasi oo ah kulinkii afaraad ee Golaha iskaashiga ee Dowlad goboleedyada.

Khudbado ay ka jeediyeen Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada ayaa sheegeen in ay aad uga soo horjeedaan Dowlada Federaalka oo ay Ku eedeeyeen in aysan diyaar u aheen in dalka laga xireeyo argagixisada Al- Shabaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dowlada Ku eedeeyey in dowladda dhexe ay wax ka badashay qodobo ay horey uga wadaheshiiyeen sida doorashooyinka iyo qeybdiga  kheyraadka dalka taasi oo ay keentay khilaafka hadda taagan.

Madaxweynaha Jubaland oo aad iyo aad farta Ku fiiqaayey Ra’isalwasaare Xassan Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo iney Ku mashquulsan yihiin u diyaar garowga doorashada 2020 ee dalka iyo doorashooyinka maamul goboleedyada oo dhawaan bilaaban doono.

Madaxweynaha Galmudug oo aad u careysan ayaa dowlada Ku tilmaamay Dowlad aad qaadi karin mas’uuliyada loo doortay, dowlada oo kalena aysan soo marin mudo aad u fog, Waxaana uu dadweynaha ugu baaqay iney dowladaan iska dulqaadaan, Madaxweyne Xaaf Waxaa uu sheegay in ay dowlada Farmaajo aysan sii jiri doonin 5 bilood kadib maadaama ay u dhaqmeyso si aan dulqaadaan karin.

Daawo khudvadihii ay halkaasi ka soo jeediyeen qaar ka mid ah maamuladaas.