Taliyaha Ciidanka Xoogga “Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland waa inaad sii laba jibaartaan dagaalka ka dhanka ah..”

S/Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa maanta kormeeray Fariisimo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Dowlad Gobolleedka Jubbaland oo ku yaalo deegaanada Baarsanguuni,Buulagaduud iyo deegaanka Jammaame oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Taliye Indho Qarshe ayaa ku dhiirageliyay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland iney sii laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada Al-Shabaab, Wuxuuna ku ammaanay siday ay u wiiqeen awooda maleeshiyada Al-Shabaab.

“ Aad iyo aad waxaan idinkugu dhiiragelineynaa inaad iska dhicisaan nimankaasi, anaguna waxaan balan qaadeynaa inaan idin ku taakuleyno sidii la isaga dhicin lahaa ama aqoon ha noqoto ama qalab ama wax walba oo aad Dowladda uga baahan tihiin, idinkana waajibaadkiina sidaasi oo kale baan idinka rabnaa inaad u gudataan, aad baad u mahadsan tihiin waxaan isku ognahay guul iyo gobanimo,” ayuu yiri S/Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ayaa ka dalbaday Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Jubbaland inay soo diraan ragga ugu wanaagsan ee ugu geesinimada badan Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland si tababar heerkiisu sareeyo loogu siiyo Xerada tababarka Turk-Som ee magaalada Muqdisho.

S/Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe ayaa kormeeray fariisimo ay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland kaga sugan yihiin deegaanka Baarsanguuni iyo Buulagaduud oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose,wuxuuna ciidamada kula dardaarmay iney laba jibaaraan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argixisada.