Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka oo dalab degdeg ah u jeediyay Madaxweynaha iyo xukuumadda Federaalka (Akhriso)

Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warqad u diray Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka, wuxuuna Goluhu ka dalbaday inay jawaab degdeg ah ka bixiyaan.

Qoraalkaan oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golaha aqalka Sare Maxamed Xaashi Cabdi ayaa waxaa ku lifaaqnaa nuqullo ay golaha horay ugu gudbiyeen guddigii loo xilsaaray xalinta khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Guddiga aqalka sare ugu xilsaaran dhexdhexaadinta Dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa qoraalkiisa ku xusay natiijooyinka socdaaladii ay ku tageen gobolada dalka, waana kan nuqulada qoraalka guddiga:-