Ciidanka Booliska ee Degmadda Xudur oo Sameeeyey Howlgalo lagu adkaynayo Ammaanka Magaaladaasi.

Ciidanka Booliska ee ka howlgala Degmadda Xudur ee Gobolka Bakool ayaaa deegaano hoostaga Degmadaas waxaa ay kasameeyeen Howlgalo ay ku baacsanayeen Maleeshiyaadka Al Shabaab kuwaas oo dhibaato ku hayey dadka Shacabka ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmadda Xudur Xuseen Maxamed Axmed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in meelaha ay tageen ay isaga sii careen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Waxaan Tagnay Deegaano badan oo hoos yimaada Degmadda Xudur oo Maleeshiyaad Al Shabaab ka tirsan dadka Shacabka ah dhibaatooyin aad u badan ku hayeen waxaana u xusay in ay deegaanaadaas ka xureeyeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.