Wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo ka hadlay Doorashada ku soo wajahan dalka iyo Xaaladda Amniga.

Muqdisho:- Nicholas Haysom ergayga cusub ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey wargeyska Daily Maverick wuxuu kaga hadlay Xaalada Somaaliya xiligan ay marayso.

Ergayga QM ayaa sheegay in ahmiyada koowaad uu siinayo inta uu jooga xafiiska QM ee Soomaaliya sidii ay dalka uga dhici laheyd doorashada 2020-ka oo ku soo wajahan, arintaasi ayuu sheegay inay tahay ajandaha ugu horeeya uu diirada saari doono.

Nicholas Haysom ayaa sheegay inuu ka shaqayn doono arrimaha siyaasadda iyo sidii dalka ay uga hirgeli lahayd dowlad wanaag oo ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee qaranimadda dalka Soomaaliya.

Danjiraha oo ka hadlay xaalada a,maanka ee Xiligan sida uu yahay, ayaa ku jawaabay “ Waxaan qirayaa in amniga uu ka mid yahay caqadabaha ugu waa wayn ee hor yaala dowladda hadda jirta, dhibaatada ugu badana waxay ka timaadaa Al-Shabaab oo weeraro ka geysta Magaalooyinka waaweyn ee dalkan geeska Afrika”.

Dhanka kale Wakiilka ayaa Sheegay in loo baahan yahay inay Soomaaliya yeelato Dastuur aanan qabyo ahayn, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in la dhameystiro ka hor doorashooyinka, taasi oo bud-dhig u ah inay noqoto xor iyo xalaal, iyadoo Wakiilkaan 1-dii bishan uu la wareegay xilka Wakiilka Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom.

Nicholas Haysom, the UN’s special representative for Afghanistan, speaks during a press conference in Kabul on February 14, 2016. The number of civilians killed or wounded in Afghanistan in 2015 was the highest recorded since 2009, the UN said in a new report on February 14, with children paying a particularly heavy toll as struggling Afghan forces faced a militant surge. AFP PHOTO / SHAH Marai / AFP PHOTO / SHAH MARAI