Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Gen. Indhoqarshe oo Gaaray Kismaayo

Waxaa Maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose Gaashaale Sare Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe, oo halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka waxaana ka wada hadlay dar dargalinta Howlgal ka dhan ah Maleyshiyada Al-shabaab

General Indhaqarshe ayaa si weeyn loogu soo dhoweeyay magaalada magaalada Kismaayo waxaana soo dhoweeyntiisa ka qeeyb qaatay masuuliyiinta Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan Kismaayo,

Taliye Indhaqarshe ayaa lagu wadaa in uu gaaray furumaha hore ee dagaalka ciidamada ay ku leeyihiin deeganada maamulka Jubbaland.

Gaarista taliyaha ciidamada Militariga Soomaaliya uu ku tagay Kismaayo ayaa ku soo beegmeeyso xili uu jiro khilaaf u dhaxeeyo madaxda dowlada dhexe iyo kuwa maamul Goboleedyada.