Ururka Ganacsiga Turkiga oo xafiis ka furanaya Muqdisho

Ururka madaxa banaan ee Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Turkiga ayaa ku dhawaaqay in xafiis cusub uu ka furanayo gudaha Soomaaliya, si ay u ballaariyaan xiriirka Ganacsi ee Qaaradda Africa.

Madaxa arrimaha dibadda ee Ururkaasi Ibrahim Uyar ayaa sheegay in Ururku haatan 209 heshiis kula jiro 79 dal, islamrakaana ay rajaynayaan in 30 dal oo ka mid ah Africa ay xafiisyo ka furtaan sanadkan gudihiisa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Turkiga ay ka go’an tahay garab istaaga dalka iyo dadka Soomaliyeed, kaas oo uu sheegay in Turkigu had iyo jeer u arko dal ay walaalo yihiin.

U jeedkeenu waa inaan kordhinaa xiriirka Ganacsi ee haatan aan laleenahay dalka aan walaalaha nahay ee Soomaaliya ayuu yiri Mr Ibrahim madaxa arrimaha dibadda ee Ganacsatada madaxa banaan ee dalka Turkiga.

Ahmet Sami oo ah wakiilka xafiiskaasi u qaabilsanaan doono Soomaaliya ayaa xusay in aysan jirin u jeedo iyo hadaf gaar ah oo Turkigu ka leeyahay Soomaaliya, marka laga reebo xoojinta xariir Ganacsi oo dhexmara laba dal, kaas oo ay si wadajir ah uga faa’iidaysan doonaan labada dhinac, sida uu hadalka u dhigay.

Turkiga ayaa ah dal saameyn xoogan ku leh dhaqaalaha Soomaaliya, maadaama uu maamulo Ilaha ugu muhiimsan ee Dakhliga, sida Dekedda iyo Garoonka Muqdisho.