Muranka Hindise-sharciyeedka Bartoolka

Baarlamaanka Somalia ayaa waxaa hor-yaala hindise-sharciyeedka Macdanta iyo Batroolka oo muran badan uu ka dhashey ka gadaal markii ay soo baxdey in hindise sharciyeedkaasi sida la sheegay inay qoreen khuburo ajaanib ah, taasoo keentey in su’aalo ku saabsan in lagu kalsoonaan karo iyo in kale ay soo baxaan.

Haddaba, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Macdantiyo Batrool-ka ee DFS, Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal, ayaa Sahra Cabdi Axmed uga waramay sharcigan iyo doodda ka dhalatay.