Duqeymo Iyo Dagaalo Ka Dhacay Gobolka Gedo

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo iyo dagaalo khasaaro geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland.

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Girileey oo u dhow deegaanka Faxfax-Dhuun ee Gobolka Gedo,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in dagaalkkaas ay barbar socdeen duqeymo diyaaradeed oo khasaaro geystay.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Duqeyntaas ay ku geeriyoodeen Hooyo iyo Carruur ay dhashay,sidoo kalena ay jiraan khasaaro dhaawac ah.

Wararkii u dambeeyay ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in goobihii lagu dagaalamay ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,isla markaana ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.