Al Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ku yaalla Af-Urur

Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay weerar xoogan ay ku qaadee Saldhig Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-Urur ee G/ Bari.

Al Shabaab oo ka hadlay weerarkaasi waxa ay sheegeen in ay dhaawac halis ku gaarsiyeen Askari ka tirsan Ciidanka Puntland, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Dhana kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha Ciidanka maamulka Puntland oo ku aadan weerarkaasi.

Inta badan Al Shabaab oo ku xoogan Buuraleyda gobolka Bari ayaa weeraro qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolkaasi.