Wufuud ka socota Itoobiya iyo Ereteeriya oo Muqdisho imaanaya maanta

Waxaa xiran waddooyinka halbowlaha u ah Muqdisho iyada oo sidaas la sameeyo markasta oo wufuud ka imaaneyso dalal kale, ama Madaxda Dowaldda federaalku dalka ka dhoofeyso ama ay imanayaan.

Wararku waxay sheegayaan in Garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ka socoto qaban-qaabadii u danbeysey ee lagu so dhaweynaayo wufuud ka socota dalalka Itoobiya iyo Ereteeriya. Lama oga heerka derajdoodu gaarsiisan tahay wufuudan, waxaana wararka qaar sheegayaan in uu kamid yahay Wasiirada Arrimaha dibadda ee labada dal.

Dalalka Itoobiya iyo Ereteeriya ayaa dhawaan saxiixdey heshiis ay colaadii dabada dheeratey ku so afajarayaan, waxana ay wadaan sidii ay u sameyn lahaayeen iskaashi dhaqaale, waxaa wararku sheegayaan in safarkaan u ku saabsan yahay iskaashi dhaqaale oo dalalka Geeska Afrika ay yeeshaan.

Lama oga in wefdigaan xariga ka jari doonaan duulimaadka shirkadda Ethiopian Airlines oo dhawaan Muqdisho ka bilaabo doonta duulimaadyo toos ah markii u horeysey.

Dadka Muqdisho ayaa si weyn ugu dhibaatooda xirnanta waddooyinka, taas oo todobaadkasta dhacda, waxaana jidadka ku arkeysaa dad lugeynaya, kuwo garoonka ka dhoofaya oo boorsooyinkoodi gaari gacan lagu wado, waxaa dib loo celiyaa dad ay hayso dhibaato caafimaad oo donaya in ay gaaraan isbitaalada, dadku ma oga sababta loo xirey waddooyinka.