RW Khayre oo shaqa joojin ku sameeyay Wasiir kuxigeenka Ganacsiga Somaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa shaqo joojin ku sameeyay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda ganacsiga Somaliya Maxamed Khaliif Diiriye Shaakuud, kadib codsi kaga yimid Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu soo saaray digreetada shaqo joojinta, islamarkaana ay gaartay Wasiir Ku xigeenka.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa shaqo joojintan lagu sameeyay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Somaliya.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Somaliya Axmed Cali Daahir ayaa wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan inuu ninkaan ku soo oogi rabo dacwad kiisas la xiriira, sidaasi awgeedna shaqada looga joojiyay.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa horay shaqada uga joojiyay Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliya oo arrimo musuq maasuq ah lagu eedeeyay.