Qiso xanuun badan, Degmada Waaberi: Aabe gabadhiisa laga xoogay loona hanjabay naftiisa

Qiso xanuun badan ayaa maanta la wadaagay aabo Soomaaliyeed oo aan ku arkay nairobi meel boosteejo baska laga raaco.

Abaahas ayaa na weeydiiyay hadii aan u socono magalada hoose, waxaa ku niri ha. Ma idin sii raaci kara buu na weeydiiyay waxaa ku niri haa. Sheeko Kadib iyo iswareeysi aabaha waxuu noo sheegay ineey soo gaareen wadanka Kenya asiga iyo xaaskiis iyo 5 gabdho uu dhalay.

Kow waxaay kasoo bilaabeen Mombasa si uu u fiiri inuu ka heli karo xirfada aay yaqaanan asiga iyo reeekiisa oo Aheed harqaan iyo tolida fadhi carbeedka.

Mombasa waa ay nasoo cajabin weeysay buu igu dhahay Kadib waxaan soo aadnay Nairobi oo aan is leenahay ineey ka fiican tahay, suaal waxaan weeydiiyay meeqa cisho baa joogtaan Nairobi waxaa uu igu yiri 4 casho, soomaaliya waxaa soo moognahay 1 bil. Waa ku qasbana inaa soo qaxo buu II raaciyay.

Inaa soo qaxo maxaa kawada wadanka waa nabad hada baa ku iri. Waxaa uu II sheegay inuu Soomaaliya meel uga bixin intii dagalada sokeeye socdeen walba xaafada Waabari. Lakin hada mudo 1bil iyo bar laga joogo ayaa habeen saqdii dhexe waxaa guriga noogu soo galay dhalinyaro hubeeysan waxaay iga kaxeeysteen gabadheeyda curuda eheed oo 23 jir ah.

Si Islaanimada iyo bini adan nimada ka baxsan ayeey ula dhaqmeen Kadib guriga ayeey kusoo celiyeen waxaayna yiraahdeen hadii aad na sheegtaan waa idin dileeyna. Waxaayna ahaayeen dhalinyaradii xafada aan wada degneeyn, markaas buu abihii iska ooyay.

Waxaan ku iri ma tagtay xarunta degmada Waabari ama booliska oo ma u sheegtay Dhibta gabadhaada soo gaartay. May waxaa ka baqnay in dhib intaas kabadan naga soo gaaro. Gabadheey ayaan Isbitaal geeysatay waa lii soo tolay Kadib waxaan goaan sanay inaa iska haajirno.

Anagoo jecel wadankeena iyo xafada aniga ku dhashay oo caruurteeda ku dhalay ayaa kasoo tagay. Waayo waxaa II joogto 4 kale oo gabdho ah. Runtii waxaay II eheed arin igu dhalisay murugo weeyn iyo calool xumi. Reerkas waxaay degen yihiin ama kireeysteen guryo jiingad ah ee ku yaal Nairobi.

Dadka dhibtaa geeystay waxaay ka mid yihiin ummada cid wax dheheeyso maleh. Deris ka xitaa waa aay khadan waayen kaalintii derisnimo, Islaanimo iyo soomalinimo. Ee qooyskaas fataxada u mara walaalayal in uu ILAAH xaqooda siiyo.

Kuwa intaa dhib u geeystay in Alle u keeno caalama xun oo aay ku saxriiraan aduun iyo aqiraba. Iyagana in Ilaah faraj kheeyr khabo u furo.

WQ: Yoonis Khaliif