K/GALBEED KAMA SOO SOCOTO DOORASHO XAQ & XALAAL AH, WAXAANA LOO BAAHAN YAHAY RRA CUSUB OO SIYAASADEED

Ummadda Soomaaliyeed waxay xornimadeeda qaadatey sannadkii 1960-kii, hase yeeshee bulshada ku dhaqan deegaanada K/Galbeed waxay u muuqdaan illaa iyo maanta inaaney dareemin micnaha xornimada, Haddaba waa maxay xurnimo? Waa marka aad maamulkaaga, maalkaaga iyo maskaxdaadaba laguu madax-banaaneeyo oo aad dhihi kartid MAYA ama HAA wixii lagu soo hordhigo adigoon lagugu amar ku taagleyneynin ama lagu isticmaaleynin.

Laga soo bilaabo tan iyo xilligii la qaatay madax-bannaanida Soomaaliya ee 1960-1969 waxaa ummadda Goboladaasi ku habsadey dulli iyo darxumo, iyagoo dareenkii dadnimo laga dulleystay lana dareensiiyey in qof ka soo jeedo deegaanadaas aanay waxba qaban karin isagoo aan lagu tiirinin ama lagu toleynin dad kale oo ay waxba wadaagin. Waana taas midda keentay in ay dadka wax la qeybsan waayaan ama ku taami waayaan horumarinta dalkooda iyo dadkooda.

Shacabka K/Galbeed waa dadka ugu daacadsan Soomaaliya, waxayna leeyihiin dhulka ugu hodansan Somalia. Sidaas daraadeed waxay dadkii kale ku khasbanaadeen iney umaddaasi kala qeybiyaan si ay u xukumaan iyagoo waxba dareemin, intii wax garatyna loola dhaqmo iney K/G KOYTO ku yihiin oo ay meel kale kasoo jeedaan si loo dareensiiyo iney ummadaasi ka duwan yihiin.

Nasiib-darro Waxaa kaloo la isticmaalay maskax kale oo ah in nin isagoo ka yimid meel ka baxsan gobolladaasi haddana uu awood u yeesho inuu hoggaamiyo, isago isku daray ka mid noqoshada qabaa’illada dega gobolladaasi sidaasna ugu ahaa hoggaamiye ay daba socdaan weyna u shaqeysey muddo dheer, isagoo aney jirin cid la xisaabtantay ama weydiisay waxa uu qabtay ee waa la wada daba orday si indho la’aan ah, taasoo dhaxalsiisay dib u dhac, nolol xumo, lugooyo iyo dhibaato aan dhamaad laheyn gobollada dhamaantood.
Ka sii dar oo dibi dhal waxaa noqotay arrintii timid sannadkii 1969-kii ee doorashadii rayidka aheyd ee ugu dambeysey waddanka, in siyaasiyiintii kala ahaa C/qaadir Zope iyo Avv. Xasey Allaha u wada naxariistee iyo kuwo kale oo aan la soo koobi karin, si barreer cad ah looga reebay doorashadii la qabanayay xilligaasi tasoo aanba jirin whakhti dheer.

Haddaba, kadib kacaankii xilligiisi ahaa 1969-1990 Gobolada K/Galbeed waxaa isku haystay dad aan ka soo jeedin. La yaabse waxaa noqday in mid ka mid ah siyaasiyiintii wakiilka ka noqday xilligaas ayba sii kordhiyeen culeysyadii horey u haystay dhulkaasi, iyagoo halkii ka sii wadey xaqiraaddi horey u jirtey iyagoo wax damqasho ah u laheyn ummaddan oo ku mashquulsanaa keliya iney u hogaamiyaan hadba meesha ay rabaan si ay dantooda gaarka ah ugu fushadaan.

Haddana, xitaa markii ay dhacday dawladdii malatariga aheyd ee wadanka qabsatey kadibna dhaxalsiiyey dagaalkii ahliga ahaa, ummada gobolladan waxay sameysteen dowlad goboleed oo jirtey muddo gaaban, taasoo u hanaqaadi weydey duulaankii aan gabashada laheyn oo ay ku soo qaadeen qolooyinkii la baxay Salbalaar oo xoog ku maquuniyey maamul goboleeedkii ka jiray halkaas, taasoo kuu caddeyneyso halka aan gaarnay oo ah in K/G ay laheyd dowlad goboleedkii ugu horreyey oo dhismo(1995tii), taasoo an jrin cid abid ka hadashay ama ogolaatay inaan jirnay ka hor dawlad goboleedka puntland(1998dii) illa haddana loo asteeyo puntland iney tahay hooyadii dowlad goboleedyada.

Taasi waxay ka mid tahay in marna aan la ogoleyn in la sheego waxa ay tahay K/Galbeed, Taaso macneyneyso halka qowmiyaddan lalo rabo iney abid joogto ama ay u hogaansanaato waxa loo yeeriyo ama lagu amro oo keliya, si marna aaney awood ugu yeelanin cabbirka dareenkeeda dal iyo dadnimo.

Haddaba, kadib markii la aas-aasay kacdoonkii lagu magacaabay RRA halgan dheerna la galeen salballaar ayaa sanadkii 1999kii waxay ku guuleysteen iney ka sifeeyaan ku soo duulayaashii dhulkooda. Nasiib darro muddo gaaban waxaa meesha ka baxay isku xirnaashahii oo waxaa laga gaabiyey siyaasaddii loo baahnaa in horey loogu sii wado halganka, taasoo aan is-leeyahay waxa ka dambeeyey fikrado ummad kale oo diidan midnimada qowmiyadda K/G kuwaasi oo aan ogolaan karin in horumar iyo madax-banaani K/G gaarto.

Nasiib darro weli lama wada garanin meesha ay dhibaatada ka jirto ee cid walba cid ayey la safatay iyadoo la iloobay dantii guud ee K/G. Markale, waxa lama iloobaan ah in iyadoo la soo maray dhibaatadaas oo dhan haddana la wada garan waayey in la garab istaago bulshadii isku duubneyd oo u istaagtay iney dhistaan dowlad ka kooban lix gobol fadhiyeeyna Baidhabo in ka badan sannad, kaasoo uu hogaaminaayey allaha u naxariistee Mudane Nuunow iyadoo cid wax tartayna jirin.

Haddaba, waxaa tii ka sii dartay markii shacabka K/G si farsmaysan sannadkii 2014-kii dusha looga keenay madax kale oo lagu qasbay iney maamul ka kooban Seddex Gobol oo aan ku imaanin rabitaankooda la dhiso iyagoo aan su’aal laga weydiinin, taasoo mar kale ummadda K/Galbeed u horseeday inay ka tashan waayaan dantooda lana tartami waayaan kheyrkood kale.

Waxaase la yaab leh in 23-sanno kadib ay weli ummada garan la’dahay meesha ay dantooda ku jirto si ay xaqooda u helaan oy weli u hogaansamayaan wixii loo yeeriyo ama lagu amro. Taasoo isla hadda ay u ektahay in la soo wado madax kale oo gacan ku rimis ah loona baahan yahay in laga diktoonaado haddii la rabo in ummadan carruurtood aaya loo reebo oo darxumada laga baxo.

Sidaas daraadeed waxay ila tahay in ummaddan K/Galbeed ay u baahan tahay Kacdoon siyaasadeed oo cusub kaasoo la mid noqon karo halgankii RRA iyadoo aan la isticmaalin military laakiin la adeegsado siyaasad furan oo ka turjumeysa dareenka dalka iyo dadka gobolladan Alle siiyey. Kasoo looga gol-leeyahay in ummada guud ahaan loo sameeyo wacyi gelin ku saabsan ogaansha dadnimadooda, dalkooda iyo diintooda ulana xisaabtami lahaayeen kheyrkood iyo dib isu-famsiin dhaxdooda ah.

Taasi waxay keliya ku imaan karta in la helo isbadal caafimaad qaba oo ka imaado ummadda K/G rabitaankooda oo keliya. Taasoo weliba lagana soo bilaabo maamulka gunta hoose ee tuulooyinka lana keeno halka ugu korreyso ee maamulka lagana kaaftoomo in mar kale maskaxda laga xukumo, dhexdoodana is xukumaan isna fahmaan dadka ay yihiin iyo meesha ay hadba higsanayaan.

Fiiro gaar ah:-

Aragti ahaan K/Galbeed uma eka in ay doorasho Xaq iyo Xalaal ah ka soo socoto marka aad fiiriso sida ay illaa hadda wax u socdaan sidaasi daraadeed waxaan rumaysan ahay in xalka uu ku jiro abuuritaanka RRA siyaasadeed oo cusub si uu halkaasi isbadal uga dhaco, cid kasta oo Ra’yigaan mid ka duwan qabta waan soo dhaweynayaa.

Waxaan ka digeynaa in mar kale la soo faragaliyo arrimaha K/G, xurna ay u ahaadaan cidda ay dooranayaa dhexdooda oo aan cid kale loo keenin, Qowmiyadda K/G ha ka diktoonaadaan faragelinta dadka kale ee haku kalsoonaadaan dadkooda, dalkooda iyo diintooda.

Qore Eng. Maxamuud Maxamed Bono
Wasiiru Dawlaha Wasaaardda Amniga Qaranka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ahna Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha K/Galbeed

Mahadsanidiin