Qaban Qaabo Doorasho Madaxweyne oo ka socota Cadaado

Qaban qaabadii ugu dambeysay iyo diyaar garow xoogan oo ku aadan doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa si habsami leh uga socota magaalada Cadaado ee G/ Galgaduud.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in ay ku qul qulayaan gudaha magaaladaasi, si ay uga qeybgalaan doorashadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in haatan mashquul ku aadan doorashada Madaxweynaha maamulkaasi laga dareemayo Cadaado.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in doorashadu ka qabsoonto xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Cadaado, taas oo horay loo shaaciyay.

Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, iyadoona garabka Dhuusomareeb ay horay u shaaciyeen in xilkii ay ka qaadeen Guddoomiye Cali Gacal Casir.